Afgooye ( INO)-Waxaa maanta Qarax Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Kolonyo ay la socdeen lagula eegtay duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Kolonyada oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho kuna sii jeeday degmada Baraawe ee Gobolkaasi Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in Qarax Miino lagula eegtay markii ay marayeen deegaanka Caddow Dibille ee duleedka Afgooye.
Qof deegaanka ayaa Shabelle u xaqiijiyiyay in mid ka mid ah Gaadiidkii Kolonyadaasi uu ku basbeelay Qaraxaasi.
Waxaana Ciidamada AMISOM markii weerarku dhacay kadib rasaas ay fureen ku dhintay 2 qof oo shacab ahaa kuwaas oo ku sugnaa nawaaxiga ay wax ka dhaceen sida ilo Madax banaan ay Shabelle u xaqiijiyeen.
Dhinaciisa Guddoomiyaha deegaanka Mareereey ee Gobolka Shabeelaha Hoose Siidow Baalli oo meesha wax ka dhaceen tagay ayaa Warbaahinta u sheegay in indhihiisu ay qabteen Meydad Ciidamo AMISOM ah oo Kolonyada la sii saarayo balse uusan cayimi Karin inta ay la ekaayeen tiro ahaan. Ma jiro weli wax war ah ay ka saareen Saraakiisha Dowladda Federaalka iyo AMISOM Qaraxaasi.