Qarax Khasaaro Sababay oo ciidamo Ethiopian ah lagula eegtay Gobolka Hiiraan

0
448

Halgan (INO)-Kolonyo ay la socdeen Ciidamo Ethiopian ah ayaa lagu weeraray Tuulada Nuur Fanax ee duleedka deegaanka Halgan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegay in mid ka mid ah Kolonyada Gaadiidka AMISOM uu ku basbeelay weerarkaasi.

Sidoo kale illaa 2 qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi lala eegtay Kolonyada Gaadiidka AMISOM.

Ma cadda khasaaraha Nafeed ee weerarkaas ka soo gaaray Ciidamada AMISOM , iyadoona aanu jirin cid sheegatay Masuuliyaddiisa walow Al Shabaab weerarada nuucaasi ah ay horay masuuliyadooda dusha ugu riteen.

Idale News Online, Halgan