Qarax ka dhacey maqaaxi ku taala degmada Dayniile ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaarey dadkii halkaasi joogay

0
209

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay maqaaxi ku taal degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, iyadoo qaraxa oo ahaa miino ay ku aasneyd gudaha maqaaxdida.

Qof Goob jooge ah ayaa sheegay in maqaaxida ay ku taalay Xaafada Bangala ee degmada Dayniile, kaasoo ahaa mid aad u xoogan.

Maqaaxida ayaa waxaa fariisan jiray ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana qaraxa ka dhacay ku dhintay ilaa todobo ruux oo uu ku jiray Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda.

Gudoomiyaha degmada Dayniile Xiirey Muxidiin Cumar ayaa sheegay in qaraxa dadka ku dhintay ay ka mid ahaayeen labo haween oo maqaaxida ku sugnaa.

qaraxMiino

“Qaraxa waxaa ku dhintay todobo qofood oo maqaaxi ku sugnaa, waxaa maalmahan tuhumeynay in degmada ay soo galeen kooxo nabad diid ah, waxaa leeyahay shacabka deegaanka in cid alaala cidii ay tuhmaan inay noo soo sheegaan”ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Dayniile.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qasaaraha ka dhashay qaraxa uu intaa ka badan yahay, iyadoo ay jiraan tiro dhaawacyo ah oo la geeyay Isbitaalada Muqdisho.

Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay qaraxan, hase ahaatee mudooyinkii u dambeeyay ayaa qaraxyo isugu jiray ismiidaamin iyo kuwa kale waxay ka dhacayeen magaalada Muqdisho, kaasoo mas’uuliyadiisa ay sheegatay Al-Shabaab.

 

Idale News Online, Mogadishu