Dhageyso: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacey saldhiga Booliiska magaalada Beledwayne

0
215

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax weyn iyo weerar toos ah oo maanta barqo-nimadii lagu qaaday Saldhiga Booliska Beledweyn ee bartamaha magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan shan ruux ay ku dhimatay qaraxa, iyadoo qasaaraha la sheegayo inuu intaa ka badan yahay, dhaawacyo fara badan la geeyay Isbitaalka magaalada iyo xarunta caafimaadka ee Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin duleedka magaalada.

Goob joogayaal ayaa sheegaya inay arkeen meydadka ilaa shan ruux oo banaanka saldhiga tiil, iyadoo ay jiraan meydad kale oo gudaha saldhiga ku jira oo isugu jira ciidamada iyo xoogagii hubeysnaa.

qaraxbaabuur

Dhageyso goobjooge ka waramaaya waxa uu arkey [audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/11/Goob-jooge-.mp3]

Dhowr qarax ayaa laga maqlay gudaha Saldhiga, intii uu socday iska hor imaadka u dhaxeeyay Xoogagii hubeysnaa iyo ciidamada saldhiga ku jiray.

Qaraxa ayaa waxaa uu geystay qasaarooyin kala duwan, iyadoo bur bur xoogan uu soo gaaray aargadii ay caanka ku aheyd magaalada Beledweyn oo gebi ahaanba bur burtay.

Qaraxa hore ayaa ahaa baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu qarxiyay afaafka hore ee Saldhiga, iyadoo kadib xoogag hubeysan oo aan tiradooda la sheegin gudaha u galeen saldhiga.

Xoogaga hubeysan ee gudaha u galay saldhiga ayaa la sheegay dhabarka dambe ee saldhiga ka soo galeen, deetana uu dagaal toos ah uu ka dhacay gudaha saldhiga.

Wararka ayaa intaa ku daraya in is rasaaseyn muddo socotay ay gudaha saldhiga ku dhex martay xoogagii galay saldhiga iyo ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda.

beledweyne

Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa sheegay in kooxihii weerarka soo qaaday ay dileen, isla markaana gudaha saldhiga ay yaaleen meydadkooda.

Ilaa iyo hada si dhab ah looma oga qasaaraha gaaray Ciidamada Jabuuti iyo ciidamada booliska ee xarunta Saldhiga ku sugnaa.
Al-Shabaab ayaa goor dhow sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu qaaday saldhiga booliska magaalada Beledweyn.

Xaalada ayaa iminka degan, iyadoo magaalada ay guud ahaan xiran tahay, ganacsiga ayaa hakad galay, sidoo kale waxaa istaagay rasaastaa meel walba ka dhaceysay.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee Beledweyn lagu qaaday labo bil gudaheed, iyadoo 19-kii October ee bishii hore weerar is qarxin lagu qaaday maqaaxi ku dhow Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ee Beledweyn.