Qarax dad ay ku dhaawacmeen oo ka dhacey Baydhabo

0
199

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in qarax bambaano oo dad badan ku dhaawacmeen uu ka dhacay magaalada, iyadoo maamulka Gobolka Baay uu ka hadlay.

Sida ay sheegayaan wararka ilaa 15-ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxa oo ahaa bamka nuuca gacanta laga tuuro, iyadoo dadkaas ku dhaawacmay qaraxa la dhigay Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

Qaraxa bambaano ayaa ka dhacay boosteejo gaadiidka laga raaco, halkaasoo ay ka ag dhowaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya, inkastoo la sheegay in aanay ciidamada wax qasaare ah gaarin.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa qaraxa kadib howl gal ay sameeyeen ku soo qab qabtay dad badan oo ka ag dhowaa goobta qaraxa ka dhacay.

Gudoomiyaha Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow ayaa sheegay in dadka dhaawacmay qaarkood dhaawacyadooda liidaan, isla markaana ay ku booqdeen Isbitaalka magaalada Baydhabo.

Mr Hoosow ayaa ku eedeeyay qaraxan ka dambeeyeen kooxo aan dooneyn nabadda, isagoo sheegay in maamulkiisa wax ka qaban doono xaalada ammaan daro oo ka sii dareysa ee magaalada.

Weerarkan bambaano ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca mudooyinkan, xilli magaalada ay ku wada sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan iyo kuwa AMISOM.

Idale News Online