Dhageyso:Qarax Ay Ku Dhaawacmeen Guddoomiyaha Ceel-waaq & Dhowr Qof Oo Ka Dhacay Degmadaas

0
195

Ceelwaaq(INO) — Ugu yaraan Shan ruux ayaa ku dhaawacmay Qarax maanta ka dhacay gudaha degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, iyadoo dadka ku dhaawacmay uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Degmadaas, Ibraahim Guuleed Aadan.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelwaaq, Faarax Macallin Bishaar oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in guddoomiyaha iyo ilaaladiisa oo laba qof ah, sarkaal ciidan iyo qof shacab ah.

“Qaraxu wuxuu ka dhacay goob uu guddoomiyuhu ku nasan jiray, waxaana u maleynaynaa in walaxda qaraxday ay ahayd mid xalay lagu sii diyaariyay, dhaawicii guddoomiyaha waxaa loo qaaday dalka Kenya,” ayuu Bishaar ku yiri wargeysigiisa.

Sidoo kale, Faarax Macallin ayaa xusay in baaritaanno ciddii ka dambeysay weerarkan lagu raadinayo, isagoo xusay inay u maleynayaan in ay ka dambeyso Al-shabaab, balse barista socota natiijada ay sugayaan.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Ceel-waaq ayaa iyagana sheegay in qaraxa uu ahaa mid aad u xooggan, ciidanka dowladda ee degmadaas ku suganna ay rasaas badan fureen qaraxa kaddib, inkastoo aan la sheegin cid wax ku noqotay.

“Xaaladda Ceel-waaq waa mid aad u kacsan, ciidamada dowladda ayaa meel walba jooga, waxayna raadinayaan kooxihii weerarkaas ka dambeeyay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka degmadaas ku sugan oo warbaahinta la hadlay.

Inkastoo aan illaa hadda aysan jirin cid sheegtay mas’uuliyadda qaraxa uu ku dhaawacmay guddoomiyaha Ceel-waaq ayaa haddana wuxuu kusoo beegmayaa xilli dhaawanahan ay Al-shabaab weerarro dhowr ah ka geysteen gudaha dalka Kenya.

Degmada Ceelwaaq ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo ee ayaa ku dhow soohdinta ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo khasaare kala duwan geystay.

Idale News Online, Ceel Waaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here