Qansaxdheere: Nin Bomb isku soo xiray oo la qabtay

0
203

hwlgllo-620x330Qansaxdheere  – Ciidamada DFS ee ku sugan Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay, ayaa Maanta ka hortagay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhici lahaa Degmada. Teaser Image Qansaxdheere:

Nin Bomb isku soo xiray oo la qabtay Wararka aan helayno, ayaa sheegaya in Ninkan la qabtay xilli uu doonayay in uu isku qarxiyo Saldhiga Booliska Degmada, oo markaasi ay ku kulmayeen Saraakiisha Ciidamada Amaanka DFS ee Degmada Qansaxdheere.

Taliyaha Booliska Qansaxdheer, ayaa tilmaamay in Ciidamada ay qabteen Ninkan kahor inta uusan gaarin Bartilmaameedkiisa, oo ahaa Saldhiga, balse aysan u suura galin oo la qabtay. Ciidamo ku sugan Barkoontarool oo Saldhiga laga galo, ayaa ka shakiyay Ninkan, oo qabtay. Ninkan, ayaa qabashadiisa kadib laga furay Bomb-ka uu isku soo xiray ee uu u adeegsan lahaa Qaraxa, waxaana hadda Su’aalo dheeri ah lagu waydiinayaa Saldhig, iyadoo uu qirtay in uu ka tirsan yahay Kooxda Al shabaab.

Culeyso Military oo Kooxda Al shabaab kasoo wajahaya Ciidamada DFS iyo AMISOM ayaa Amniyaatkooda waxa ay u direen Degmooyinka Gobolada uu Howlgalka ka socda iyo Muqdisho, si ay u fuliyeen Dilal iyo Qaraxyo.

Idale News Online