Qabashada Araajida Jagada Madaxweynaha oo maanta bilaabatey

0
200

Afhayeenka Gudiga doorashada Cismaan Libaax ayaa sheegay in ilaa 22-musharax ay qaateen Foomamka ay soo buuxinayeen, isagoo xusay in musharax kasta uu soo buuxinayo foomkiisa, dibna uu Gudiga ugu soo celinayo.

“22-Musharax ayaa qaatay Foomamka, musharax kasta waxaa uu buuxinayaa, warqada ugu horeysa 20-ka xilshibaan ee soo jeedineysa,m waxay qaateen warqad ay ku qoran tahay shuruudaha, dhamaan musharaxiinta waxay ku shubayaan Akoonka Bandhiga dhexe ee Tirsigiisa yahay 795, kadibna Risiitka ayay soo qaadanayaan, Foomkii ay buuxiyeen ayay dib u soo celinayaan”ayuu yiri Afhayeenka Gudiga doorashada Cismaan Libaax.

Gudiga doorashada ayaa horay ugu jeediyay musharaxiinta shuruudo ay ka mid yihiin inuu heysto Baasaboor Soomaali, in aanu dalka dambi ka gelin, inuu yahay muwaadin Soomaali ah, aqoon iyo karti leh.

Tiro rasmi ah lama haayo oo ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo kor u dhaafeysa ilaa afartameeyo ruux.

Ilaa 20-musharax ayaa goor dhow qaatay Foomamka ay ku soo buuxinayaan taariikh nololeedkooda, codsigooda musharax, iyadoo la siiyay musharaxiinta Account No. ay ku shubayaan qidmad lacageed oo diiwaan gelin ah.

Waxaa ay Musharaxiinta ku shubayaan Account No. ka furan Bankiga dhexe kaasoo nambarkiisa yahay 795, iyagoo bixinaya lacag dhan $10,000 (Toban Kun Doolarka Mareykanka)

Araaji qabashada ayaa ku eg 6-da Bishan, waxaana marka ay dhamaato waxaa ay Musharaxiinta Khudbado ka jeedin doonaan Fadhi uu yeelanayo Baarlamaanka, si ay uga jeediyaan waxqabadkooda hadii la doorto.

Idale News Muqdisho