Qabanqaabo aan horey loo arag Nooceeda oo lagu taageeraayo Madaxweyne Xasan oo ka socota Minneapolis, MN

0
210

Bulsho Weynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Minnesota ee Dalka Mareykanka  oo ah hooyada jaaliyada qurbo joogta Soomaaliyeed, isla markaasna ah jaaliyada ugu wadan ee Soomaaliya ee dibada ayaa waxay qaban qaabo aan nooceeda horey loo arag ku soo bandhigi doonaan Xarunta Convention Center ee Magaalada Minneapolis, ee Gobalka Minnesota.

Jaaliyada oo aan u kala harin waxay diyaarinayaan bandhig faneed iyo warbixino ku aadan sida ay u taageersan dowlada cusub ee Federalka ee Soomaaliya ka hanaqaadey iyo doorashada sida dimoqraadiya leh ee loo tartarmey  muddo 43 sano ka dib.

Mid ka mid ah qabanqaabayaasha oo Idale News u sheegey in Somalia ay maanta saartey wadadii Nabada iyo Horumarka, waana inaan haddaan nahay reer Minnesota muujinaa inaan la dhacsan nahay doorashada hoggaanka sare ee dowlada gaar ahaan madaxweynaha Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Af-hayeenka Barlamaanka Soomaaliya oo ah aqoon yahano dalka xaalada uu hadda ku jiro ka samatabixin kara.

Maalinta Sabtida 5Pm xiliga Minnesota ayaa la qorsheeyey in xafladaaasi ay si toos ah uga dhacdo xarunta aad u weyn oo  ku taala magaalada Minneapolis oo lagu magacaabo “Minneapolis Convention Center Auditorium”.

Xafiiska Idale News ee Minneapolis, MN
Tukale Maxamuud idale@www.idalenews.com