Baledweyne(INO)-Wararka ka imaanaya Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Saaka Ciidamo ka tirsan Milatariga DF Somalia ay u ruqaansadeen Dhanka Degmada Buulabarde.
Ciidamadaani oo aad u hubeysan ayaa waxa ay kasoo baxeen Magaalada Baledweyne, waxa uuna Ujeedkoodu yahay in 24-saac gudaheeda ay kula wareegan deegaano dhowr ah oo ay halkaasi uga sugan yihiin Maleeshiyada Alshabaab.
C/llahi Xassan Rooble oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada DF Somalia, ayaa sheegay in Ciidamadaani loo diray Buulabarde ay yihiin kuwo ka qaadaya Go’doominta Al-shabaab ay saareen degmadaasi, waxa uuna tilmaamay in dhamaan xuquuqdooda loo dhameystiray.
Waxa uu sheegay in Ciidamadaasi ay hadda ku sugan yihiin Degaanka Beer xaano oo u dhexeysa Magaalada Baledweyne iyo Degmada Buulabarde, halkaasi oo ay ka sahansanayaan qaabka ay deegaanadaasi ku gali lahaayen.
Dhinaca kale, Maleeshiyada Al-shabaab ayaa mudo dhowr bil go’doomin ku heysata dhowr deegaan oo hoostaga Gobolka Hiiraan.
Idale News Online, Baledweyne.