Gaalkacyo (INO)—Shilkan oo ka dhacay Duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ku dhintay labo Wasiiru Dowle oo ka tirsanaa Maamulka Galmudug iyo Nabadoon caan ka ahaa Gobolka Mudug.
Wasiiru Dowlaha Wasarada Maaliyada oo magaciisa lagu soo koobay Baashi iyo Wasiiru Dowlaha Wasaarada howlaha Guud iyo Dib u dhiska ee Maamulka Galmudug, Aweys Cali Saciid ayaa ku dhintay Shilkaasi Gaari oo ka dhacay Degaanka Sedex-Xiglo ee Duleedka Magaalada Gaalkacyo.
Shilkan ayaa yimid kadib markii Gaarigii ay la socdaan Wasiiradan uu wadada ka baxay.
Sidoo kale, Shilkaasi Gaari ayaa waxaa ku geeriyooday AUN Nabadoon C/laahi Yuusuf Guuleed oo ka mid ahaa Nabadoonada ugu caansan Gobolka Mudug ee bartamaha Dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay geerida labadaasi Wasiir iyo Nabadoon C.laahi Yuusuf Guuleed, kadib Shilkaasi Gaari.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.