Akhriso: Puntland oo si rasmi ah ugu dhawaaqdey una gudbisey Magacyada Xubnaha Aqalka Sare uga mid noqon doona

0
196

Garoowe (INO) –  Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa soo saaray liiska xubnaha11 kursi ee Puntland ku leedahay aqalka sarre  ee Dowlada Federalka Soomaaliya

Afhayeenka xukuumada Puntland Cabdulaahi Jaamac Quraanjecel ayaa saxaafada u akhriyey magacyada xubnaha ku soo baxay aqalka sare ee Puntland.

Xubnaha tartanku kal dhexeeyey waxay isula qoran yihiin sidaan:

  1. Cumar Abdirashiid Cali Sharmaake & Aamino Aadan Abdullahi  (2 Tartamo)
  2. Yaasiin Cabdi Seed & Saynabi Xaashi Biixi – (2 musharax)
  3. C/raxmaan Maxamuud Faroole & Cabdi Mahdi Cabdi Cismaan – (2 Musharax)
  4. Saciid Xasan Cismaan & Axmed Maxamed Tigaara, Saciid Maxamuud Aadan, Max’ed Maxamuud Cali Bille. ( 4 musharax)
  5. Hodan Maxamuud Cismaan, Axmed Maxamed Maxamuud, Ceydiid Saleybaan Xashi, iyo Axmed Maxamed Faarax (4 musharax)
  6. C/risaaq Cismaan Juriile iyo Hodan Ismaaciil Cilmi ( 2 musharax))
  7. Mahad Cabdalla Cawad, Maxamed Saciid Xirsi Moorgan, iyo Maxamuud Cali Saciid (3 musharax)
  8. C/xakiim Axmed Xaashi, Mahad Daahir Sheekh Nuur, C/qaadir Daahir Shaaciye, (3 musharax)
  9. Jeneraal Cali Ismaaciil, Shukri C/laahi Maxamuud, iyo Faarax Cali Xuseen (3 musharax)
  10. Maxamuud Ahmed Mohamed iyo Faadumo Saciid Maxamed (2 musharax)
  11. C/salaan Xaaji Maxamed Dheere iyo Saciid Max’ed Cali iyo Faarax Cawad Jaamac (3 musharax)

Tirada guud ee Madaxweynaha Maamulka Puntland  ayaa ah 30 xubnood, hase ahaatee sida qorshuhu yahay musharaxiinta loo magacaabay Aqalka Sare waxaa cod xor ah ku kala saari doona maalmaha soo socda baarlamanka Puntland ,Waxaana ka  soo hari doona 11 xubnood oo matali doona qoondadii Puntland ka heshay Aqalka sarre ee Soomaaliya

Idale News Online, Kala soco warar xaqiiq ah oo weliba deg deg ah.