Puntland oo sheegtay Diyaaradaha qaadka ka keena Kenya inay ka soo degi karaan Garoomadeeda

0
168

Muqdisho(INO)- Kadib markii Dowladda Federalka Somaliya shalay si rasmi ah u shaacisay in muddo aanan la carabaabin la hakiyay qaadkii laga keeni jiray dalka Kenya, ayaa Maamul Goboledka Somaliyed ee Puntland waxa ay sheegeen inaanu quseyn go’aanka Dowladda Somaliya ay ku hakisay qaadkaasi.

Afhayeenka Maamulka Puntland C/laahi Maxamed Jaamac (Quraan Jecel) ayaa sheegay hadii ay yihiin Puntland inaan lagu wargelin go’aanka Dowladda ay qaadatay, sidaasi awgeedna Diyaaradihii qaadka ka keeni jiray Kenya ay imaan karaan deeganada Puntland.

Afhayeenka Puntland ayaa sheegay dalka inuu yahay Federal, islamarkaana Dowladda dhexe ee dalka kaligeed aysan gaari karin go’aan ku aadan hakinta qaadka guud ahaan yimaado Somaliya ee laga keeno dalka Kenya.

“Go’aaankaasi ma ahan mid innaga ina quseeya, sidaad la socotid dalka waa Federaalka, wasaaradda duulista Hawada markii ay go’aan qaadaneyso waxaa la rabaa inay maamullada u sharaxdo qatarta soo korortay, sidaa darteed annaga go’aankaasi nama quseeyo, garoomada waxay u furan yihiin ganacsatada Somaliyeed haddii ay tahay Rakaab iyo haddii ay tahay Qaad, diyaaradihii ka imaan jiray Kenya Puntland wey u furan yihiin.” Ayuu yiri Afhayeenka Puntland oo Saxaafadda la hadlay.

Inkastoo Dowladda Federalka Somaliya aysan sharaxaad badan ka bixin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in la hakiyo qaadka ka imaan jiray dalka Kenya, ayaa hadana Wasiirka Duulista Somaliya wuxuu ku gaabsaday in go’aankaasi ay qaadatay Dowladda.

Magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga hadal haaya go’aanka Dowladda Dhexe ee dalka ay ku joojisay qaadka, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in la hakiyo qaadkaasi.