Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu jaray wado muhiim aheyd oo ay Al-Shabaab uga tallaabi jireen Buuraha Galgala, halkaasoo aheyd goob mudooyinkii u dambeeyay ay saldhigyo ku lahaayeen.
Gudoomiyaha Tuulada Boocame ayaa sheegay inay jareen marino Al-Shabaab uga gudbayeen buuraha Galgala, iyagoo isu ekeysiinayay Tabliiq ahaan.
“Waxaan jarnay marino muhiim ahaa oo Al-Shabaab uga tallaabayeen Buuraha Galgala, iyagoo iska dhigayay Tabliiq, dhowr jeer hore ayay sidan ku mareen, hada waxaan dhignay Ciidamo dariiqa ma soo maraan”ayuu yiri.
Puntland ayaa sheegtay in dagaalyahanada Shabaab ee ka soo baxay Koofurta Soomaaliya ay dhowr jeer oo hore ay u gudbeen deegaanada buuraha, si ay halkaas ugu dhuumaaleystaan, waxaana ay ku hanjabeen inay ka sifeyn doonaan.
Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa ku sugan Buuraha Galgala, waxaana horaantii bishan iyo bishii la soo dhaafay ay dagaalo ku qaadeen duleedka Boosaaso iyo fariisimo Ciidamada Puntland ku lahaayeen meel ku dhow Buuraha Galgala.
Puntland ayaa xilligan culeys baaxad leh ka wajaheysa Al-Shabaab, kadib weeraro iyo qaraxyo dhowaan ka dhacay deegaanada maamulkaas ka arimiyo, waxaana weerarkii u dambeeyay oo is qarxin ahaa uu ka dhacay Waqooyiga Galkacyo, kaasoo uu ka bad baaday Taliye kuxigeenka Booliska Puntland.
Idale News Muqdisho