Puntland Oo Awaamiir Adag Dul Dhigtay Shacabka Maamulkaasi

0
332

Gaalkacyo ( INO)-Iyadoo shalay Qarax Ismiidaamin ahaa oo lagu qaarijiyay Xisaabiyihii Wasaaradda maaliyadda maamulka Puntland qeybta Gobolka Mudug uu ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa awaamiir amniga quseeyo uu soo saaray maamulkaas.

Wasiirka Amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in dhammaan deegaanada Puntland cid aan la gaaraneyn aan guri laga kireyn karin.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in ciddii aan heybteeda la aqoon oo lagu arko deegaanada maamulka Puntland tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan.

Sidoo kale Ciidamada ammaanka Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa howlgallo ay ka sameeyeen Xafadaha Magaaladaasi waxa ay ku soo qab qabteen dad ay la xiriirinayaan weerarkii shalay ka dhacay Gaalkacyo.

Lama cayimin tirada rasmiga ah ee howlgalladaasi lagu soo qab qabtay hayeeshee dadka deegaanka ayaa sheegay in dadka la soo qab qabtay ay u badan yihiin dhalinyaro.

Idale News Online, Galkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here