Puntland: Doorashada Aqalka Hoose oo Garoowe Ka Socota iyo Xildhibaano La Doortay

0
232

Garowe(INO)-Doorashadda aqalka hoose ee barlamaanka Federaalka ayaa maanta dib uga bilaabatay magaaladda Garoowe, iyadoo lagu tartamayo 11 kursi oo ka mid ah 16 kursi  oo ka dhimanayd 37 xildhibaan ee Puntland ku matalaya aqalka hoose ee Barlamaanka Federaalka.

Doorashadda oo saaka lixdii subaxnimo bilaabatay, waxaa  lagu qabanayaa jaamacadaha PSU Iyo EAU ee Caasimadda Garoowe, waxaa ilaa iyo hadda la doortay shan Xildhibaan, oo mid ka mid ah ay tahay haweenay.

Kursiga kowaad ee maanta lagu tartamayay, waxaa baneeyay alla ha’u naxiistee  xildhibaan Daahir Xaaji Geele,  waxaana ku guulaystay Maxamed Xaaji Geele oo la dhashay marxuumka dhintay, isagoo  helay 49cod. waana  kursiga 22aad ee xubnaha Puntland u matalaya aqalka hoose.

Kursiga 23aad, waxaa ku guulaystay murashax Daahir Maxamed Muuse oo helay 36cod , halka Maxamed Cabdilaahi Xasan uu helay 15 cod oo kaliya

Kursigii 24aad waxaa ku tartamayay Wasiirkii hore ee Waxbarashada dowladda federaalka Ciise Maxamed axmed (Guraase) iyo Nin ganacsade ah,   waxaana ku guulaystay  Ganacsade Cabdirashid Daahir Gaboobe oo helay 27cod halka ciise guraase uu helay 24cod.

Kursigii 25aad oo ay ku tartamayeen Haween kaliya,waxaa ku guulaysatay Sacdiya Samantar oo heshay 49cod, halka Faadumo Maxamed Salaad heshay ay heshay 1cod, Hal codna waa xumaaday.

Kursigii 26aad  waxaa ku guulaystay Sharmaake Garaad saleebaan oo helay 50cod, halka Aadan Cismaan Xaashi oo la tartamayey uu helay 1cod oo kaliya

Doorashada kursiga 27aad oo ahaa midkii ugu adkaa waxaa ku tartamayay shan murashax, waxaana   wareegii 2aad  isugu soo haray Faarax C/risaaq Cumar iyo Saadiq warfaa, Waxaana ku guulaystay Saadiq Warfaa oo Helay 29 Cod, halka murashixii la tartamayay uu helay  22 Cod.

Gabagabadii, Doorashada aqalka hoose oo weli ka socota garoowe, waxaa la filayaa in maanta la doorto shan xildhibaan oo kale, waxaan guud ahaan xildhibaanadda maanta la qorsheeyay in la doorto ay noqonayaan 11 Xildhibaan.

Idale News Online kala soco Natiijada Doorashada iyo Sawiro