Bosaaso(INO)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal shalay galab ka dhacay Buuraleyda gobalka Bari, kaas oo ay soo qaadeen kooxda Shabaab, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Taliska ciidamada dawladda Puntland.
Dagaalyahanada Shabaabka ayaa isku dayay in ay weerar gaadmo ku qaadeen ciidamada dawladda Puntland, gaar ahaana aag difaac ay uga jireen, taas oo keentay in uu dagaalku balaarto, isla markaasna waxaa la xaqiijiyey in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinacba.
Dhaqdhaqaaqyadaan ciidan ayaa imaanaya asbuuc kadib (Feb 13,2015) markii cidamada amniga Puntland weerar ku qaadeen degaanka Madashoon oo 22km u jira buurta Galgala halkaasoo ay ku dileen shan ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana ay tani noqonaysaa todobaadkan dagaalkii ugu horeeyey.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in wadada dheer ee isku xirta Bosaso iyo Garowe ay Maleeshiyada kooxdaas ay Miinooyin galiyeen, tas oo ku qaraxday Gaadiid dagaal oo ay lahaayeen ciidamada dawladda Puntland, waxaana halkaas ka dhacay dhaawac soo gaaray ciidamada dawladda Puntland.
Puntland ayaa dagaal kaligeed ay ku tahay kula jirta Dagaalyahano ka tirsan Shabaab, kuwaas oo mudooyinkii udambeeyey dagaalkooda lagu jiray, waxaana ay dhawaan ciidamadu qabsadeen meelo badan oo ay kooxdaas gacanta ku heysay sannadkii hore.
Idale News Online, Bosaaso.