Prof. Maxamed Cismaan Jawaari Oo Maanta Si Aan Laga Fileynin Uga Carooday Madaxweyne Xassan Sheekh Kadib markii …

0
1051

Muqdisho (INO)-Wararka naga soo gaaraya dhanka Villa Somalia ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay kulan khaas ah uu dhexmaray Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulanka labada mas’uul ayaa ahaa mid looga tashanaayay sida culeyska lagu saari lahaa Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka, waxa uuna Xassan Sheekh Prof. Jawaari ku amray in mas’uuliyiintaasi uu u adeegsado Dastuurka islamarkaana ka dhaadhiciyo in xuquuqda Gobolka Banaadir ay tahay mid muqadas lama taabtaan ah.

Madaxweyne Xassan waxa uu sidoo kale,  Prof. Jawaari u sheegay in shaqsi ahaantiisa xiligaani uu qaati ka taagan yahay Madaxweynayaasha maamulada dalka, sidaa aawgeedna uu wakhtigu yahay mid sii gurmaayo loona baahan yahay in xuquuqda Gobolka Banaadir uu kusoo dhiciyo qodobada baneynaaya ee Dastuurka ku jira in Gobolka Banaadir dalka islamarkaana leeyahay maqaankiisa.

Prof. Jawaari ayaa ku gacanseeray dalabka  Madaxweyne Xassan Sheekh waxa uuna sheegay inay ku adag tahay in howlaha ceynkaani ah uu ku maareeyo Dastuurka waxa uuna  Madaxweyne Xassan Sheekh ku wargaliyay in uusan fulinkarin arrintaani loona baahan yahay inay fuliyaan isaga iyo Sharmaarke hayeeshee isagana uu garabsiin doono keliya.

Jawaari ayaa lasoo warinayaa inuu aad uga carooday Xassan Sheekh bacdamaa uu ku cadaadinaayo fulinta howl uu isaga horay ugu fashilmay, waxa uuna Jawaari si cad Xassan uga diiday in Madaxweynayaasha Gobolada uu u adeegsado waxa ku qoran Dastuurka.

Jawaari ayaa ku dooday in howsha iminka taagan ay tahay mid aan u baahneyn Dastuur IWM, balse loo baahan yahay in qaab ay maslaxad ku jirto loo xaliyo.

Docda kale, Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh ayaa sheegay in Gobolka Banaadir uu yeelan doono xuquuq gaar ah, islamarkaana uusan aqbali doonin in caqabad lagu noqdo masiirka Malaayiinta Soomaali ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Idale News Online, Muqsisho