Prof. Maxamed Cali Kalaay Oo U Sharxan Jagaddda Madaxweyninimada Dalka Soomaaliya Ee Doorashada Augest 2016

0
869

Baydhabo(INO)- Gudoomiyaha Jaamacada Koonfurta soomaaliya(USS), Ee Magaalada Baydhabo Ahna Gudoomiyaha Dallada Midowga Jaamacadaha Degaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Prof. Maxamed Cali Kalay ayaa Sheegey in sandkan U tartamaayo Jagadda Madaxweyninimada Dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa mudo todabaad gudahiisa 4 jeer ku noq noqday Caasimada Dalka Ee Muqdisho , Isla markaana waxa uu Kulumo siyaasadeeed  la soo sheey Madaxda Dowlada DFS, Xildhibaano, Siyaasiyiin  iyo weliba Kooxda Damajadiid oo haatan Hageyso Siyaasadda Dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa La Sheegey in loo Balan qaadey in ay Garab kusiiyaan Musharaxnimada Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya Ee Doorashadda 2016 , balse waxa uu sheegey inuu doonayo inuu u tartamaayo Jagadda Madaxweyninmada Dlka Soomaaliya, Isagoona  Sidoo kale  Beeshiisa ay u xulatey inuu noqdey Xildhibaanka Doorashadda 2016 u matalayo BFS.

Prof. Maxamed Caii kalay waa qof aqoonyaahan ah oo leh Hogaan suuban isla markaana sidoo kale leh Hilimo fog iyo qadiyad adag.

Gudoomiye Prof. Maxamed Caii Kalaay wuxuu yahay qofkii  ugu horeeyey ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ka Aasaasey Jaamacadii ugu horeeysey ee Koonfurta Soomaaliaya , taasoo ay ka aflaxeen ardey Badan.

Waxuuna horey u soo qabtey Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare ee dowladahii KMG Ahayd ee Hogaaminayey C/qaasim Salaad Xasan.

Ugu dambeyntii, Prof  . Maxamed Cali Kalaay waa nin ka qayb qaatey Dhinacayada samafalka Deegaanada Dowlada Goboleedka Koonfurta soomaaliaya , waxuuna ka mid yahay Mutacalimiinta ka baxdey Jaamacadii hore ee Soomaaliaya ee ugu tayo Fiicneyd.

Kalaay iyo safiirka Turkiga

Kalaay

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here