Prof. Maxamed Cali Kalaay oo ku geeriyooday Baydhabo.

0
801

Waxaa magaalada Baydhabo ku geeriyooday alle ha u naxariistee Prof Maxamed Cali Kalaay oo kamid ahaa aqoonyahanada Soomaaliyeed, naxdin iyo murugo ayaa la soo darastay qof walba oo maqlay warkaasi aan dhagaha u rooneyn, ooyin (oohin) ayay dadka qaarkiis jabsadeen halka kuwa kalana naxdinta darteed ay la miir daboolmeen 

laga soo bilaabo Masculiinta JBM iyo dhamaan umada soomaaliyeed ilaa ruux kasta oo ku abtirsada ummad-weynta Soomaaliyeed waxay si isku mid ah uga wada tacsiyeeyeen geeridaasi xanuunka badan.


Miyi, Magaalo iyo meel walba oo ay Soomaalidu ku sugan tahay si baahsan ayaa looga dareemay dhimashadii mutacalimkaasi, goob iyo geed kasta oo dadku ku kulmo, baraha ay bulshadu ku wada xiriirto ee loo yaqaano SOCIAL MEDIA-ha iyo qalabka kale ee Warbaahinta waxaa si xiriir ah uga socday ka sheekeynta taariiq nololeedkii marxuumka xijaabtay, xaqiiqdii ma arag Soomaali ka saameyn badan sanadahaan dambe Prof Maxamed Cali Kalay marka loo eego sida loo hadal hayay geerida Prof kaasi. islamarkaana  ahaa  falanqeeya arimaha siyaasadda dalka. Marxuumka ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan lagu aaso magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Madaxda maamulka JBM iyo odayaasha dhaqanka dadaka raidka ah ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Prof Maxamed Cali Kalaay Prof Wuxuu Ahaa nin Waji fur-furan, Qalbi saafi ah, Dhoola cadeyn iyo Sheeko aan laga xiisa dhaceyn oo aqoon iyo xikmad miiran ah ayaa mar walba laga heli jiray Profka inaga baxay.

Prof Maxamed Cali Kalay duco ayuu naga mudan yahay inaan u hibayno, Allaha weyn ee loo wada noqonayo waxaan uga baryaynaa inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo