Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa sheegay in dalka horumarkiisa ay ku xiran tahay in laga wada shaqeeyo sidii amniga loo adkeyn lahaa, isagoo tilmaamay in Xukuumadda cusub looga fadhiyo in ay abuurto mashaariic horumarinneed oo ay hogaaminayaan dadweynaha si shaqo la’aanta looga baxo dalkana loo horumariyo.
Afhayeenka Barlamaanka Soomaailya ayaa sheegay in Qaranka aan lagu dhisi Karin Qabaa’il waxaana uu Ummadda Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay u istaagaan dhismaha Qarannimada Soomaaliya, isagoo intaa raaciyey in amniga dadka ay gacan ka siiyaan shacabka, iyadoo laga soo bilaabayo degmooyinka, gobollada si ilaa heer Qaran loo soo gaarsiiyo.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Sharciga ama Maqaamka Muqdisho oo Federaalleynta dalka qeyb ka ah in laga howlgali doono waqtiga dib u eegista Dastuurka horraanta sannadka cusub ee soo socda, isla markaana shacabka Soomaaliyeed loo soo bandhigi doona qeybta ay u doori doonaan maqaamka Muqdisho.
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa golaha sharci dajinta dalka, waxa ay dar dargalinayaan dhammaan sharuucda dalka si Ummadda Soomaaliyeed ay u hesho waaya aragnimo ku dhisan Qaran, iyadoo uu Barlamaanka hadda uu wado ololle lagu dhageysanayo Guuxa dadweynaha Soomaaliyeed ee Muqdisho, iyadoo sannadka soo aaddan loo gudbi doono gobollada dalka Umadda ku dhaqan iyana sii loo dhageysan laha waxa ka guuxaya.
Idale News Online