Muqdisho (INO) – Prof. Cabdullahi Cabdi Mataan oo ka mid ah aqoonyahanada magaalada Muqdisho ayaa siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay qamaar siyaasadeed guul darro ku dhammaan doona.
Aqoonyahanka oo la hadlay dayniilenet.com ayaa wax yaab leh ku tilmaamay go’aankii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku aqbalay heshiis magaalada Muqdisho lagu duudsiiyey xuquuqdeeda, haddana mar kale is-hortaagay dadaal dib loogu soo celin lahaa xuquuqdaas, oo ay wadeen xildhibaanada baarlamanka.
Madaxweynaha ayaa maamul goboleedyada dalka la galay heshiis ku saabsan doorashada 2016, oo dhigaya in gobolka Banaadir uusan xubno ku yeelan doonin aqalka sare ee baarlamanka ee la dhisayo sanadkan.
“Xasan Sheekh wuxuu cayaarayaa qamaar siyaasadeedkii Sheekh Shariif oo kale, oo ahaa ninka marki hore saxiixay heshiisyadii Garoowe 1 iyo Garoowe 2, isaga oo reer Puntland ay ka dhaadhiciyeen in dib loo soo dooran doono, sidaa darteedna uu waxyaabo badan ugu saxiixay, waase ku fashilmay” ayuu yiri Prof. Cabdullaahi.
“Hadda Xasan Sheekh waxa uu wax walba u saxiixay Jubbaland iyo Puntland, isaga oo intaas u sameynaya dantiisa shaqsiyeed, balse aan ka fakareyn aayaha dadka Muqdisho, waxaase hubanti ah inuu mari doono waddadii Sheekh Shariif”.
Prof. Cabdullaahi Cabdi Mataan ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu yahay ninkii ugu siyaasadda xumaa ee abid uu arko, isaga oo la yaab ku tilmaamay in mar walba uu cayaarayo siyaasado mustaqbalka isaga dhabarjab ku noqon doona.
Idale News Online, Muqdisho