Opinion:Waa Kuma Hogaamiyaha Bulsho Weyn Bad-baadin Karaa?

0
379

Waaya aragnimadu waxay ku bartaa taariikhda ku soo marta naftaada ama dalka iyo deegaankaaga ku saabsan , Waxaad murtidan ama sheekadan ka dhadhamin kartaa akhristoow alle dadka abuuray , isku caqli kama dhigin ,qof kastaana meel ayuu ku wanaagsan yahay oo alle hibo u siiyay ,hadii aan in yar idiinka ifiyo ninka dhaqaale abuurka badan ama lexe-jeclada badan waxaa lagu yaqaanaa inuu siduu u lexe-jeclo badan yahay uu dhaqaale u abuuri karo ,laakiin ninka aan waxba dhaqaalaysan kulama tartami karo ninkaas hibadiisa dhaqaalaynta, ninka hal abuurka badan ee somalidu abwaanka u taqaano ,nin aan hal abuure ahayn kulama tartami karo hibadiisa abwaanimo ama mu,alifnimo

Sidoo kale geesiga boqolka aan ka libiqsani lama uu tartami karo nin aan geesi ahayn hibadiisa geesinimo ,hadaba qof kastaba alle hibo u gaar ah ayuu siiyey waxaana haboon inuu hibadiisa uga faa,iideeyo bulshada si loo helo hogaamiye daacad ah Hogaamiye alle ayaa hibo u siiyey hogaaminta waana ninka laga helo afar waxyaabood oo aan culuunta la barto ahayn ee alle ku manaystay waxayna kala yihiin:

A-daacadnimo iyo cadaalad B-dulqaad iyo deeqsinimo C-hal-adayg iyo hubsiimo iyo D-murti-maal iyo dadyaqaanimo Afarta odhaahood oo is xambaarsan ayaad ka dheehan kartaa inta badan xikmadii alle bani aadamka siiyey inay ku dhan yihiin hogaamiyaha
1- daacadnimo oo soomaaliyi maahmaahyo iyo murti badan kusoo arooriyaan sida daacadi ma hungowdo ,run sheeg waa daacad iwm ayaad ka
dareemi kartaa daacadu inay aad u wanaagsan tahay

2- cadaalad waa wada og nahay inuu shayga ugu qaalisan hogaanka uu cadaalada yahay allena uu kaga hadlay qur,aankiisa , hadii marka cadaalad la waayona waxaa imaan kara dulmi ,musuq maasuq , colaad , dhac iyo boob , abwaan soomaaliyedna waatuu hore u yiri dad cadaalad waayaa sidii cowsha kala yaac .

3-dulqaad waa shay qaali ah oo looga baahan yahay in qof kasta oo masuuliyad qaada uu u dulqaato wax kasta oo kaga yimaada bulshada uu
hogaanka u yahay soomaalina way ka maah maahday oo waxay tidhi nin durbaan tuntay ilaaq dalbay iyo nin xil qaaday eed qaad iwm waxaa kaloo daliil u ah ilaa laga bilaabo ninku markuu guursado oo masuul ka noqdo qoyskiisa ilaa hogaamiye bulsho-weyn ah , dulqaad la,aan waxba ma beermaan taageerana ma helo
.

4-Deeqsinimo waa shay bulshada aad hogaanka u tahay ay kugu ayidi karaan ama kugu taageeri karaan ,laakiin hadaad tahay bakhayl waxba aan bixin waxaaba laga yaabaa inayba xaqoodii waayaan waayo waxaad ku fekeraysaa wax kasta inaad bakhaysho taasina waxay horseed u tahay dhaca ,boobka iyo musuq masuqa laakiin deeqsinimadu waxay horseedaa inaad xaqa dadka iska bixiso halkaana ay ka abuurmaan horumar ,is jacayl iyo weliba in la wada noolaado .

5-Hal-adaygu waxuu ka dhisaa hogaamiyaha go,aanka intuusan ku dhawaaqin ayuu aad uga fiirsadaa oo uu rog rogaa la tashi ka sameeyaa
,aad uga fiirsadaa ilayn waa hal adag yahaye laakiin hadiiba uu ku dhawaaqo kama noqdo waana u muhiim hogaanka

5-Hubsiimo waa shay looga baahan yahay qof kasta oo masuuliyad qaada si,uusan ugu fududaan wax kasta oo lasoo dersa ama loo sheego waxayna
kusoo aroora sheekooyin badan oo soomaalidu caan ku tahay sida sheekadan gaaban,nin ayaa reerkiisa ka safray markaasuu mudo kadib
goor habeen bar ah kusoo noqday ,markuu gurigiisa oo aqal Somali ahaa soo galay ayuu waxuu arkay xaaskiisii iyo nin kale oo gurigiisa wada jiifa ,intuu aad u xanaaqay ayuu waxuu damcay inuu ninka labo u kala gooyo isagoon wax ficil ah samayn ayuu soo xasuustay kelmadan hubsiimo ,, markaasuu is yiri war bal ninka waxuu yahay hubi ,kadibna wuu hadlay oo waxuu yiri asalaamu calaykum warbal iska warama iyo waryaa jooga ,mise islamarkiiba waa la kaa kacay oo ninkuba waa sodogiis oo
gabadha aabeheed ahaa

‘’Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun war marbaad caawa sodogaa dili lahayd ‘’ ayuu ku talamay isagoo alle ku xamdi naqaya in ceebtaas alle ka badbaadiyey ,taasina waa hubsiimada si aad u noqoto hogaan wanaagsan iska hubi wax kasta oo kula soo dersa
7-Murti maal waxaa la yidhaahdaa qofka murtida badan, sida maah maahyada ,odhaah murtiyeedka kuwa sheekada araarta u noqda ,halhayska iwm oo alle ku manaystay taasina waxay kaa kaabaysaa hadal soo jeedinta ama khudbadaynta goobaha aduunka ama dalkaagaba waxuuna hadalkaagu noqonayaa mid murti ku fadhiya oo macno weyn keena,murtina lagala hadho

8-Dadyaqaanimo way wanaagsan tahay hogaamiyuhu inuu dadkiisa uu hogaanka u yahay kala yaqaano ,deriskiisa kala yaqaano iyo cid kasta oo uu la macaamiloonayo intuusan hor tegin in uu aqoon u leeyahay si uu uga feejignaado ama ugu fiirsado waxa kaga imaan kara, oo waatii Somali hore u tidhi xog mooge xaajo waa dilaa ama nimaad taqaano yaa tahay lama yiraahdo
.
Hadaba soomaaliyeey hore ayaan waxaan uga sheekeeyey ninkii boqorka u ahaa dal ee dhintay ama xijaabtay ee afarta wiil dhalay kadibna xilka ay isku qabsadeen afartii wiil oo garnaqsiga u tegey boqortooyadii deriska la ahayd ee maalin kasta qof libaaxa loo xiri jiray ,hadana ku guulaystay inay libaaxii dadka dhameeyey inay ka qabtaan dalkaasi oo uu boqorkii dalkaasi waydiiyey afartii ilma boqor ninka talada libaaxyada lagu diley lahaa ,oo ay u sheegeen ninkuu yahay ,kadibna uu boqorkii dalkaasi uu yiri war xukunka ha isku qabsaninee hogaankiinu waa kan talada libaaxyada lagu diley lahaa qarniyada badan dadkeenadhameeyey ee kaas doorta ,taasna waxaad ka dheehan kartaa inhogaamiyuhu uu badbaadin karo dal ama bulsho weyn .

Markaan sheekadayda isku soo wada xooriyo waxaan kusoo geba gebayn lahaa somaliyeey inaga oo dhan hogaamiyeyaal ma wada nihin ee aynu garano oo doorano hogaamiye , inteena kalena aynu noqono kuwo hibada alle ku manaystay ee uu qof kastaaba leeyahay dalkooda iyo dadkooda u hibeeya si horumar aynu u gaadhno

( Soomaaliya ha noolaato )
W/Q Yaasiin Maxamed Cali (Yaasiin Faytin)
E-Mail Yaasiinfaytin@gmail.com