Odayaasha Xulayo Barlamanka KGS Oo Qabsadey Waqti Kooban

0
201

Baydhabo(INO)-Iyada oo wali Odayaasha ku howllan xulista Baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya  aysan ku guuleysan in ay soo bandhigaan Xildhibaannada ayaa Odayaashu,waxaa ay sheegayaan sababo dhowr ah oo dib u dhaca keenay.

Malaaq Deeroow oo ka mid ah Odayaasha ku howllan xulista Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed ayaa u sheegay Warbaahinta Idale News Online  in 17ka Bishan ay tahay maalinta kama dambeysta ah ee ay heystaan in ay ku soo gudbiyaan Xildhibaannada uu yeelanayo Baarlamaanka maamulkaasi.

Maalq Deerow ayaa sheegay in Odayaasha ay howshan ku qaadatay 9 Bilood,taas oo uu sheegay in ay sababtay in ay ka digtoonaadaan eed la’aan sida uu tusaale ahaan u soo qaatay Mamaulka Jubba.

Waxaa uu sheegay in qaabka loo qeybsanayo Xildhibaannada ay tahay habka qabiilka,loona baahan yahay in Degmo kasta ay hesho 5 xubnood oo ay wadagaan qabiillada deggan,waxaana uu intaa ku daray in ay arrintaasi isku afgarteen.

Deerow ayaa sheegay in aan laga tagin doorka Haweenka ka mid noqonaya Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya,kaas oo ay Dumarku ku leeyihiin 20%,waxaana uu sheegay in aysan jirin beel laga aqbalayo in laga waayo Xildhibaan Dumar ah.

Ugu dambeyntii, Odayaasha matalaya Beelaha ayuu sheegay in lagu wareejiyay Foomka ay ku soo gudbinayaan 5ta Xildhibaan ee Beelkasta,kama dambeysna loo qabtay 17ka Bishan aanu ku guda jirno ee November.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here