Odayaal ka Hadlay Dilalka Dadka Rayidka Ah Ee Kismaayo

0
228

Kismaayo(INO)-Odayaasha Magaalada Kismayo ayaa ka dalbaday Maamulka Juba in uu wax ka qabto dhibaatooyinka ay ka mid yihiin Dilalka loo geysanayo Dadka Rayidka ah.

Hadalkaan Waxgaradka waxa uu ka dambeeyay kadib markii shalay Ciidamo ka tirsan Juba oo howlgalka ka sameynayay Magalada ay dileen Labo ruux oo Rayid ah oo ay kaga shakiyeen Kooxda Shabaab.

Maxamed Cabdi Faarax oo ka mid ah Odayaasha Deegaanka ayaa u sheegay Mustaqbal in dilalka Magaalada Kismaayo waxaana uu codsaday in la joojiyo beegsiga Dadka Rayidka ah.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa horay isaga fogeeyay inuu ka dambeeyo dilalka Dadka Rayidka ah, iyadoo taasi badalkeeda uu dusha ka saaray Al Shabab.

Idale News Online, Kismaayo.