Xudur(INO)-Laba nin oo da’ ahaa, ayaa waxaa xalay lagu gowracay duleedka Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, iyadoo falkaasi uu dareen argagax leh uu ku beeray dadka deegaanka.
Dhacdadan, ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhacday deegaanka Abaq Beedaay oo 18km oo keliya u jirta Magaalada Xudur. Ilaa iyo hadda lama garanayo waxa keenay in la gowraco labadaasi nin.
Ciidamada Dowladda Somaliya ee Magaalada Xudur degan oo saakay ku dhaqaaqay deegaankaasi, ayaa waxaa la soo sheegaya inay ka wadaan hawlgal ka dhan ah raggii gowraca geystay.
Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Magaalada Xudur Mustaf Aadan Xuseen, ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Dowladdu ay baadigoob ugu jiraan xubnihii Shabaabka, ee falka gowraca ka geystay Abaq Beedaay.
Gudoomiye Ku Xigeenka, ayaa si xoogan Ururka Al Shabaab ugu eedeeyay inaanay jirin cid ay dhaafayan, hadana ay marayaan inay fal gowrac ah kula dhaqaaqaan dadkii da’da ahaa.
Labada nin ee lagu gowracay duleedka Xudur, ayaa waxaa da’doodu lagu sheegay inaanay ka yarayn da’da sideedamaadka (80 jiro).
Abaq Beedaay, ayaa waxaan jirin cid si rasmi ah gacanta ugu heysa, iyadoo xilliyada qaarkood ay gaaraan Ciidamada Dowladda, sidoo kalana waxaa mararka qaar gudaha u soo gala mintidiinta Al Shabaab.
Idale News Online, Xudur.