Odayaal dhaqmeed isaga baxay Shirka Baarlamaanka loogu dhisaayo Jubba

0
209

Kismaayo(INO)Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Odayaal qeyb ka ahaa Shirka Baarlamaanka loogu dhisaayo Maamulka KMG Jubba ay shirkaasi isaga baxeen.

Wararku waxa ay sheegayaan in Odayaasha qaar ay dhaliileen Hanaanka uu Madaxweynaha Maamulka Jubba ku doonaayo in lagu soo dhiso Baarlamaanka uu yeelan doono Maamulkaasi.

Odayaasha shirka ka baxay ayaa ku doodaya in Madaxweynaha Maamulka uu doonaayo in Beeshiisa ay laba tiro dheeraato Xildhibaanada ay heli doonaan Beelaha kale waxa ayna taasi sababtay in 9 Oday ay faarujiyaan Hoolka uu shirka ka socdo.

Sidoo kale, Odayaasha ayaa iyagu raba in si siman Beelaha loogu qeybiyo Xubnaha uu ka koobnaan doono Baarlamaaka.

Waxaaa iminka socda dadaalo lagu qancinaayo Odayaasha ka baxay shirkaasi, waxaana aad looga cabsi qabaa in dhismaha Baarlamaankaasi ay kusii kala fogaadan Odayaasha matalaaya Beelaha degan Deegaaanada uu Maamulka ka arimiyo, inkastoo ay jiraan Beelo qaar oo aan weli soo xaadirin Hoolka shirka.

Ugu dambeyntii, Odayaal ka tirsan Shirka oo iyagu is xil-qaamay ayaa gaaray Xafiiska Madaxweynaha Maamulka kuwaasi oo juhdi ku bixinaaya sida shakiga jira meesha looga saari lahaa.

Idale News Online, Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here