Obama Oo Qiray in Duqeymahooda Dad Shacab Ah Ay Wax Ku Noqdaan

0
270

Washington  ( INO)-Madaxweynaha dowladda Maraykanka Brack Obama ayaa sheegay in duqeymaha diyaaradaha Drones-ka ah ka fuliyaan wadamo ay ka mid tahay Soomaaliya uu jiro khasaarooyin dhimasho oo ka soo gaarta dad rayid ah ee aan waxba galabsan.

Madaxweynaha  Maraykanka oo Khudbad ka jeedinayay shir looga hadlayay arrimaha Nucklearka oo ka dhacay Washnigton ayaa sheegay in maamulkiisa uu qaadanayo masuuliyadda weerarada ay diyaaradahooda ku dileen shacabka.

Isago ka hadlayay Madaxweynaha Maraykanka duqeymahooda ay ka fuliyeen Soomaaliya ayuu carabaabay in kuwoodii ugu dambeeyay ay ku dileen 150 Dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Shabaab ee xiriirka laleh Ururka Al Qaacida.

Maamulka Madaxweyne Obama ayaa la kulmayay dhaleeceenno xoogan oo  ku aaadan duqeymaha diyaaradahooda ku waxyeeleeyaan shacabka.

Idale News Online, Washington