Obama oo ku xanaaqay taageere habow ah oo ka socday dhanka Donald Trump kaas oo soo xaadiray goob uu ka khudbeynayay

0
166

Columbus(INO)- Madaxweynaha dalkaasi Mareykanka Barack Obama (55-jir) ayaa xalay ku xanaaqay nin taageersan Donald Trump kaas oo soo xaadiray kulan uu xisbiga Dimiquraadigu ku lahaa magaalada Columbus ee gobolkaasi Ohio.

Taageerahan habowga ah ayaa kasoo dhex muuqday taageerayaasha xisbiga Dimuquraadiga ee dhageysanayay khudbadda madaxweynaha isaga oo xiran koofiyadda ay ku qoran tahay “Make America Grait Again”, hal-hayskaas oo uu caan ku yahay kuna duulo musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump.

Obama ayaa mar qura waxa ay qabatay ishiisu taageerahan iyo koofiyaddiisa, waxaana uu yiri ” – Come on, siib koofiyaddan, waxaan sharad ku galayaa in lagu soo sameeyay dalka Shiinaha”.

Kulankan oo ka dhacayay jaamacadda Capital University Field House ayaa waxaa markuu hadalkaasi yiri madaxweyne Obama mar qura qeylo bilaabay taageerayaashiisa, waxaana ay qeylo dhagaha u saareen taageerahan habowga ah iyagoona lahaa «lock her up, lock her up, lock her up» oo micneheedu yahay “hala xiro”.

Obama ayaa uga digay shacabka gobolka Ohio in ay doortaan Donald Trump oo uu ku sheegay nin aan waxba u hay.

Khudbaddan madaxweyne Obama uu ku taageerayo musharraxad Hillary Clinton ayaa imaaneysa xilli isbuuc qura ay ka dhiman tahay doorashada madaxtenimo ee dalka Mareykanka.