Norwey oo soo saartay Go’aan lama filaan ku noqday Kumanaan Soomaali ah

0
173

Norwey(INO)- Dowlada Norwey ayaa ku dhawaaqday iney dib u qiimeyn doonto sharciga magangalyada ee la siiyey dad Soomaali ah oo gaaraya 1,600 qof oo dalkaas ku nool.

Qaar ka mid ah dadkan oo tiradooda lagu sheegay 120 qof ayaa mar hore loo direy warqada digniinta sharci kala noqoshada ee dalka Norwey.

Dadkan sharcigooda dib u qiimeynta lagu sameynayo ayaa waxaa ka mid ah qoysas caruur ku leh wadanka Norwey, muddo baddana dalkaas ku noolaa.

Wasiirada arrimaha soo galootiga dowlada Norway haweeneyda lagu magacaabo Sylvi Listhaug ayaa sheegtay in Talaabadani ay tahay tii ugu horeysay nooceeda ah ee dowlada Norwey ay dib u qiimeyn ku sameyneyso sharciga magangalyada ee la siiyey dad wadankaas ku nool.

Sylvi Listhaug ayaa intaa raacisey in xaalada amaan ee qeybo ka mid ah Soomaaliya ay soo hagaagtey, sidaas darteed ay dib u eegis ku sameyn doonaan baahida magangalyo ee dad Soomaali ah oo gaarayo 1,600 oo qof.

Xildhibaan Baashe Muuse oo oo ka tirsan golaha degaanka magaalada Oslo oo la hadlayey Tv-ga NRK ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid aad u murugo leh. Saameyna aad u balaarana uu ku yeelan doono qoysas badan oo nabadgalyo ku heysto Norwey.

Soomaalida ku nool wadanka Norwey oo lagu qiyaaso kumanaan qof ayaa walaac xoogan ka muujiyey go’aankan ay qaadatay dowlada wadankaas, waxayna iminka ka baaraan degayaan qaabkii ay uga hortegi lahaayeen.

Norwey ayaa muddooyinkan qaadaneysay siyaasado ka dhan ah Soomaalida faraha badan ee ku nool wadankaas, iyadoo dhowaana dib ugu celisay Muqdisho dad fara badan oo la diiday codsigooda magangelyo.