Noolal Xumo Ka Jirto Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool & Baaq Loo Jeediyey Hay’adaha Sama falka

0
224

Wararka laga Helayo Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in ay halkaa ka Taagantahay Raashin yaridii ugu Xumeyd, Nolosha Dadkuna ay tahay mid aad u Hooseysa.

Teaser Image Nolosha Dadka oo Adkaatay & Raashin yari ka jirta Waajid

Malaaq Ibraahim Xaaji Cali oo ka mid ah Odayaasha Degmadaas ayaa sheegay in Nolosha dadka ay aad u hooseyso, Sababta ayuu ku sheegay in ay tahay Al-shabaab oo Go’doon ku haya Degmada.

Haween ayaa mar mar dhif ah Dushooda Raashin kusoo Geliya Magaalada, Al-shabaab waxaa ay Gubayaan Gaadiidka Xataa Dameeraha isku deyaya in ay Raashinka Ganacsiga keenaan Magaalada.

Gargaar la Gaarsiiyay Degmadaas ayaan Jirin  Maadaadama ay Al-shabaab dhamaanba wixii Gaadiid ah ee Magaalada Gelaya Xataa kuwa Dowladda ay Dagaal diyaar ula yihiin, Kooxda Al-shabaab ayaa ku dhowaad 20 Gaari Dameer ku Gubay Duleedka Degmada Labadii Bilood ee lasoo dhaafay, Kuwaa oo dadkii Watayna ay qaar dileen, qaar Dhaawaceen, Kuwana ay Cagaha uga Baxsadeen.

Hadii uusan dhicin Gurmad lala gaaro dadka degmadaas ayuu sheegay Malaaq Ibrahim in Gaajo ay u Dhiman doonaan dadka oo Badankood hadda Dhulka soo dhacay sida uu sheegayo.

Idale News Online, Waajid, Bakool