NISA oo shaacisay Magacyada Labadii Qof ee fulisay Weerarkii Central Hotel

0
242

Muqdisho (INO) — Hay’adda Sirdoonka & Nabad Sugida Soomaaliya (NISA), ayaa shaacisay Magacyada Labadii Ruux ee fulisay Weerarkii Jimcihii ka dhacay Central Hotel ee Muqdisho.

Teaser Image NISA oo shaacisay Magacyada Labadii Qof ee fulisay Weerarkii Central Hotel

NISA ayaa War kooban oo ay soo saartay, Nuqul kamid ahna Idale News Online  heshay ayaa sheegaya in Ismaaciil Muuse iyo Gabar lagu magacaabo Luul Axmed Daahir ay fuliyeen Weerarka.

Labadani Qof ayaa la sheegay inay haystaan Dhalashada dalka Holland (Netherlands), oo dhawaan ay kasoo laabteen, waxaana ay u suura gashay in ay si sahal ah Qaraxyo ula bartilmaameedsadaan Hotel ay degan yihiin Mas’uuliyiinta DFS ugu sareysa.

Ismaaciil Muuse waxa uu fuliyay Weerarka hore oo ahaa mid uu u adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa kaasi oo la dhigay meel u dhaw Masjid yar oo Dadka ku tukanayeen Salaadda Jimcaha.

Luul Axmed Daahir, waxay geysatay Weerarka Labaad oo ahaa kii Khasaaraha badan sababay, maadaama ay isku qarxisay Jamaceedda Masjidka kasoo carartay markii uu dhacay Qaraxii hore.

Luul waxay Mudo ku dhaw 6 Bilood ah ay ka shaqeyneysay Hotelka qeybta soo dhaweynta, waaxayna ahayd sida la sheegay Xaaska Ismaaciil Muuse, Nin iyado ka horeeyay ee is qarxiyay, inkasoo wali warkan ah inay is qabeen la cadeyn.

Al shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Weerarka.

Wergeysyada waaweyn ee dalka Holland ayaa si weyn wax uga qoray Maanta Warka ku saabsan in Muwaadniin dalkaasi u dhashay ay Weeraro Ismiidaamin ah ka fuliyeen Muqdisho.

Idale News  Online – Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here