Bajin(INO) — Madaxa shirkadda tamarta qaabilsan ee Hanergy Li Hejun ayaa arbacadii la soo dhaafay khasaaray lacag dhan 15-bilyan oo dollar muddo hal saac gudaheed ah ,waxaana shirkaddu ay wajahaysaa hoos u dhac aad u ballaaran oo lagu qiyaasay $18.6 billion oo khasaare ah.
War ka soo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay in la hakiyay sheerer muhiim ah oo ay shirkaddu heli lahayd ,iyada sidoo kale uu jiro qandaraasyo wali ka xaniban Hanergy, mana jirto ilaa iyo hadda cid si faah-faahsan uga hadashay khasaarahan lixaadka leh.
Li oo ah mulkiilaha sheer dhan 80% ayaa ku guul-daraystay in uu soo xaadiro shir sanadle ah oo la qabtay arbacadii la soo dhaafay ,waxaana uu shirkaas furmay xilli hoos loo dhigayay sheerarka sare ee shirkadda Hanergy .
Afhayeen u hadlay shirkada ayaa sheegay in masuulkan khasaaray uu xiligaas ka qayb-galayay xaflad ka dhacaysay magaalada Bejing oo lagu daah-furay mashruuca tamarta nadiifka ah ,waxaana arintan aad looga hadal hayaa guud ahaan adduunka iyo suuq-yada caalamiga ah.
Tani ayaa lagu sheegay in ay horseedday bur-bur xoog leh oo soo gaaray sayladaha caalamiga ah ee Shiinaha,waxaana shirkadda Bespoke oo ka dhisan New York kana shaqaysa indha-indhaynta hodonnimada ay sheegtay in Hanergy ay wajahday isku dhex yaac baahsan.
Sidoo kale shikadaha Goldin Financil iyo Goldin Properties oo uu leeyahay ninka lagu magacaabo Pan Sutong ayaa khasaaray 40% ,waxaana labada shirkadood-ba ay sheegeen in aysan wax fikir ah ka haysan hoos-udhacan soo food saaray.
Ugu danbayn, si lamid ah Hanergy labadaas shirkadood ayaa sanadihii la soo dhaafay ku riyaaqayay horumar dhinaca dhaqaalaha ah ,waxaana dadka falanqeeya arimaha dhaqaalaha ay su’aal ka keeneen suurtagalnimada ay Henergy ay dib uga soo kaban karto dhaqaale bur-burkan.
Idale News Online, Bajin