Nin Soomaali ah oo doonayay in uu weeraro Garoonka Diyaaraha Yaman oo la dilay.

0
195
Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA ayaa maanta shaacisay in Nin Somali oo lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Xarakadda Alshabaab Jimcihii  lagu dilay magaalladda Cadan oo ku taalla Koonfurta dalka Yemen.
Sarkaal ka tirsan Boliska Yemen oo aan fasax u haysanin inuu Saxaafadda hadal siiyo ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee XINHUA  in Ninkaas Soomaaliga oo hubeysnaa la dilay Waaberigii hore ee maalinimadii Jimcaha, xilli uu doonayey inuu si tarar-jeex ah dhinaca badda kaga soo galo Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Cadan.
Ninka Soomaalida ee la dilay ayaa la tuhunsan yahay inuu ka mid yahay Dagaalyahannadda Alshabab ee ka feer-dagaalanta Dagaalyahannadda Alqaacidada Gacanka Carbeed ee dagaalka kula jirto Dowladda Yemen.
Ma aha markii ugu horreysay oo dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab la sheegay in lagu dilay gudaha dalka Yemen.
sanca

Idale News online, Sanca.