Muqdisho(INO)-Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay inay jiri doonin muddo kororsi ay sameystaan Madaxda dowladda Soomaaliya, isagoo rajo ka muujiyay in sanadka 2016 doorasho ka dhacaan Soomaaliya.
Danjire Kay ayaa sheegay in wixii ka dambeeya Agosto 2016 aanay beesha Caalamka aqbali doonin in muddo kororsi la sameysto, marka uu waqtiga dhamaado.
“Ma jiri doonto wax muddo kororsi ah, Beesha Caalamkana marnaba ma aqabalayaan in madaxda dowladda ay muddo kororsi sameystaan wixii ka dambeeya Agosto 2016″ayuu yiri Nicholas Kay oo la hadlay VOA.
Mr Kay ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in dowladda Soomaaliya ay waxyaabo badan qabatay, isla markaana lagu amaani karo mudadii ay jirtay.
Hase ahaatee waxaa uu xusay in sanadkan 2015 ay howsha ugu badan u taalo dowladda sida sameynta Maamul Goboledyada Dalka, iyo Afti u qaadista Dastuurka Qabyo qoraalka ah iyo Xasilinta Ammaanka Dalka.
Madaxda dowladda ayaa marar badan ku cel celiyay in aanay waqti kordhin dambe jiri doonin marka la gaaro sanadka 2016 oo la qorsheynayo inay doorasho dhacdo, balse ay caqabado ku hor-gudban yihiin oo ugu weyn tahay amniga.
Idale News Online, Muqdsho.