Muqdisho(INO)- Howlgalka la dagaalanta Kooxaha Burcadbadeeda ee Biyaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay joojinayaan howlgalkii ka socday xeebaha Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan howlgalka NATO ayaa sheegay in howlgalkii ay ka wadeen badweynta Hindiya in ay joojinayaan Sababo ay ka mid yihiin dhanka dhaqaalaha .
War kasoo baxay howgalka la dagaalanka Kooxaha burcad badeeda ayaa lagu sheegay in uu hoos u dhacay u gaarsiga Kooxaha burcadbadeeda ay u geysanayaan Maraakiibta Ganacsiga ee maraya badweynta Hindiya.
Qaar ka mid ah Dalalka Xubnaha ka ah NATO ayaa lagu wadaa in ay sii wadaan howlgalka, waxaana jira cabsi ku aadan in ay dib u soo laabtaan kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.
Howlgalkaan oo Muddo dhowr sano ah ka shaqeynayay biyaha Soomaaliya ayaa hadda u Muuqda in uu soo Afjarmi rabo bilaha Soo socda sida ay sheegtay Afhayeenka howgalka NATO.
Afhayeenka Howlgalka NATO ayaa sidoo kale xustay in ay kor kala socon doonaan dhaqdhaqaaqyada ay ka sameynayaan kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.
Dowlado ay ka mid tahay dowladda Hindiya ayaa sheegay in ay kasii qeyb qaadan doonaan howlgalka tan iyo inta la ciribtirayo kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.