Nabadoon lagu Dhaawacay Degmada Afgooye iyo Dagaal ka socda Degaanka Nambar Konton Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

0
244

Kooxo Hubeysan ayaa Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ku dhaawacay Nabadoon Caan ka ahaa Degmada oo lagu Magacaabo Maxamed Axmed Culusuw “Ilaal”.

 

Afgooye

Goobjoogeyaal ku sugan Degmada ayaa Warbaahinta  u sheegay in Nabadoonka lagu Dhaawacay Suuqa Degmada Afgooye, waxaana Weerarka ku qaaday Saddex Nin oo Bastoolado ku Hubeeysnaa.

Ilaa Saddex Xabadood ayaa Nabadoonka looga dhuftay Qaarka sare ee Jirkiisa, iyadoona Dhaawaca soo gaaray owgiis loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Kooxdii Dhaawacday Nabadoon Maxamed Axmed Culusow ayaa durbadiiba goobta ka Fikaday.

Dhanka kale Dagaal u dhaxeeya Labo Maleeshiyo Beeleed ayaa maanta ka dhacaya Deegaanka NR. 50 ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalka ayaa la ogeen Khasaaraha ka dhashay, waxaana socda Wali Dagaalka oo Labada Dhica ay Helayaan Gurmad.

Idale News Online, Afgooye.