Nabadoon Ka Hadley 7 Dhalanyaro Ah Oo Puntland Dil Ku Xukuntey Oo Xabsiga Dhigay

0
181

Bosaaso(INO)- Ciidanka ammaanka magaalada Bosaso ee Puntland-Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xarago oo ah afhayeenka nabadoonada gobolka Bari.

Nabadoonka ayaa la xiray xili uu ku sii jeeday degmada Waaciye ee gobolka Karkaar.Xariga nabadoonka ayaa yimid kadib markii uu ka hadlay xakun dil toogasho ah oo lagu riday 7 dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin ururk Shabaab xili uu booqash ugu tagay saldhiga weyn ee magaalada.

Ugu dambeyntii, Nabadoonka Cabdiqaadir Ibraahim Xarago ayaa ah nabadoon ka hadla arrimaya siyaasadda, isla markaana leh shacbiyad.

Idale News Online 2017