Nabadoon Bashiir Xasan Cabdulle iyo laba nin oo kale oo lagu gowracay Gobolka Shabeellaha Hoose

0
230

Qoryooley(INO)-Xoogag hubeysan, ayaa xalay u daatay hoygii uu Gobolka Shabeellaha Hoose ka deganaa Bashiir Xasan Cabdulle (Xooshow), oo ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xoogagaasi, ayaa gowracay Bashiir Xasan Cabdulle, wiil uu dhalay iyo nin kaloo la shaqayn jiray, iyadoo saddexduba la tilmaamay in Shabaabka ay si xun u dileen.

Dhacdadaan, ayaa ka dhacday afaafka hore ee Degmada Qoryooley. Nabadoonka la dilay, ayaa si weyn looga garanayay Degmada Qoryooley iyo qaybaha kale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), oo si xoogan u cambaareeyay falkaasi, ayaa ku sheegay mid ay si dhow ula xiriirinayan Ururka Al Shabaab.

Gudoomiyaha, ayaa falkaasi ku tilmaamay mid looga bartay mintidiinta Ururka Al Shabaab, iyadoo ay ku soo aaday, xilli muddooyinkii ugu dambeysay ay xurguf ka dhex taagneyd Shabaab iyo beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose.

C/qaadir Siidii oo la hadlay laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa xaqiijiyay inay wadaan baaritaano ku aadan raggii falkaasi geystay, mana jirto cid ilaa iyo iminka ay falkaasi u soo qab qabteen, sida uu yiri.

Tani waxay ku soo aadeysaa, iyadoo falalka aanooyinka beelaha la xiriira ay muddooyinkii ugu dambeysay ku soo badanayen duleedyada Degmada Qoryooley.

Idale News Online, Qoryooley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here