M/weyne Xasan Sheekh oo kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalka France.

0
166

Biljam: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku sugan Dalka Biljam ayaa Xalay kulan la qaatay dhiggiisa dalka Faransiiska Faransuwa Oland, Iyagoo ka wada Hadlay Hormarinta xiriirka Labada Dowladood iyo sidii labada dalk ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan.

Sidoo kale M/weyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in mudada uu jooga Biljimka uu kulamo gooni gooni ah la qaato madaxda wadamada ka qeybgeleysa shirka Brussles.

Shir-madaxeedka Hogaamiyayaasha madaxda wadamada Afrika iyo Yurub uga soconayay magaalada Brussles ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gebagebeeyo, iyadoo shirkaasina diiradda lagu saaray kobcinta dhaqaalaha iyo nabadgalayada Caalamka.

M/weynaha ayaa kala hadlay dhigiisa dalka France cilaaqaadka labada dal ka dhaxeeya iyo sidii Dowladda France ay gacan uga geysan laheyd xasilinta iyo dib u dhiska dalka Somalia.

Si kastaba M/weyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb galaayo maalintii labaad shirka madaxda wadamada Afrika iyo Yurub uga soconayay magaalada Brussles kaas oo looga hadlaayo amaanka iyo dib u dhiska wadamada Afrika.

Xasan sheekh& Afircan Union Members

Idale News Online, Beljam.