Dhuusamareeb (INO) — Warbaahinta Idale News Online ayaa heshay Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Baaqashada Safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee Magaalada Dhuusamreeb, ee xarunta Gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu baajiyay Booqashada, kadib markii uu Tanaasul ka waayay Odayaasha Dhaqanka ee ku sugan Dhuusamareeb, ee ku aadan in Cadaado ka furmo Shirka Maamul U sameynta Gobolada Dhexe.
Odayaasha Dhaqanka ee Dhuusamareeb ayaa la sheegay in markii ay maqleen inuu Madaxweyne Xasan Sheekh kusoo wajahan yahay Magaaladaasi ay isaga tageen, iyadoo Dadweyne aad u badana ay Dibadbaxyo Rabshato wata dhigeen Maanta.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa rabay inuu Maanta tago Dhuusamareeb, kadibna uga sii gudbo Magalaada Cadaado, si Shirka oo Maanta Balanta ahayd inuu ka furmo Magaaladaasi.
Gudiga Farsamo ee Maamul u sameynta Gobolada Dhexe, Ciidanka AMISOM ee sugi lahaa Amaanka Shirka iyo Odayaal ayaa ku sugan Cadaado, waxayna Maanta(1-da April, 2015) filayeen in Shirka furmo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay Go’aan ka qaadan doonto Odayaasha Dhuusamareen, haddii aysan aqbalin in Cadaado aadaan oo halkaasi ka billaabaan Shirka.
Idale News Online – Muqdisho