Paris (INO)—Muwaadiniintan Soomaaliyeed oo tiro ahaan gaaraya ilaa iyo 7 Ruux kuwaasi oo loo heysto Afduubka Dooni laga leeyahay Dalka Faransa ayaa lagu wadaa in lagu maxkamadeeyo Magaalada Paris ee Caasimada Dalka Faransa.
Dhalinayaradan Soomaaliyeed ayaa waxaa loo heystaa Weerar 8-da Bishii September ee Sanaddii 2011-kii ay ku qabsadeen Doonidaasi, iyadoona lagu eedeeyay Dhalinyaradan in halkaasi ay ku Dileen Milkiilihii doonida la qafaashay.
Haweeney lagu magacaabo Evelyne Colombo oo laga soo badbaadiyay gacanta Burcad Badeedaasi ayaa sheegtay in Ninkeeda madaxa xabad looga dhuftay islmarkaana lagu tuuray Biyaha, waxaana sidoo kale ay qeexday iyadu khudeyda in uu dhaawac ka soo gaaray Weerarkaasi.
Muwaadiniintan Soomaaliyeed oo falkaasi loo heysto ayaa wajahaya Xabsi daa’in hadii ay qirtaan ama lagu helo dambiyada lagu soo oogay.
Ugu dambeyn, Booliska Dalka Faransa ayaa dhinaca kale waxaa ay sheegeen in Weerarkaasi lagu Dilay labo ka mid ah Burcad Badeedaasi, kuwaasi oo lagu magacaabi jiray Shiine iyo Cabdullaahi Yare, waxaana Booliska ay labadaasi Ruux ku tilmaameen Ragii hogaamiyay Howlgalka lagu weeraray doonidaasi.
Idale News Online
Somali News Desk, Paris