Muuqaal Video oo la soo dhigay barta Youtube ayaa waxaa ka soo muuqday 7-muwaadiniin u dhashay Faransiiska isku qoys ahaa oo ay ku jireen afar caruur ah, kuwaasoo todobaadkii hore ay afduubteen Islaamiyiin dalka Cameroon.
Video-ga ayaa waxaa ka muuqday niman hubeysan oo ka hor aqrinaya warqad wajiga hore labo rag, haweeney iyo afar caruur ah, waxaana ka dambeeyay Calan madow oo ay dhinacyada kaga sawirnaayeen qoriga AK47, Kitaab iyo Kalmada Towxiidka.
Islaamiyiintan ayaa sheeganayay inay ka yimaadeen Nigeria, ayna ka tirsan yihiin Kooxda Bokor Haram, waxaana ay dalbadeen in loo sii daayo Maxaabiis ku xiran dalalka Nigeria iyo Cameroon.
Dowladda Faransiiska ayaa sheegay inay rumeysan tahay in lamaane iyo caruurtooda oo da’dooda lagu qiyaasay shan sano, sideed sano, 10 ilaa 12 iyo adeerkooda laga afduubtay meel u dhow xuduuda Nigeria, kuwaasoo ay qafaasheen Bokor Haram.
Qoyskan ayaa ku noolaa Caasimada Cameroon ee Yaoande, iyadoo aabahood uu u shaqeynayay Shirkad Faransiiska oo Gaas soo saarta, waxaana qoyskan ay ka soo laabanayeen booqasho ay ku tageen Waza National Park, markii la afduubanayay.