Musiibo Xalay ka dhacday Muqdisho, Dad nolol & Geeri la la’yahay

0
185

Muqdisho(INO)- Dhisme labo dabaq ka koobnaa oo ku yiilay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir ayaa Xalay soo dumay sida wararka degmadaas naga soo gaaraya ay sheegayaan.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay iney wadaan gurmad balaaran iyo dedaalo lagu samata bixinayo qoysaskii ku noolaa dhismahaas oo qaarkood la soo sheegayo iney burburka ku hoos jiraan.

Sidoo kale dadka degaanka ayaa ka qeyb qaadanaya gurmadka loo sameynayo dadkii ku noolaa gurigaas oo qaarkood weli aan nolol iyo geeri midna lagu heynin.

Warar ugu horeeya ee shilkan ka soo baxaya ayaa sheegaya in meydka qof dhintay laga soo saaray burburka dhismahan, waxaana laga soo badbaadiyey qaar kale oo dhaawacyo kala duwan qaba., waxayna dhamaantood ka tirsan yihiin qoysaskii ku noolaa gurigan soo dumay.

Degmada Shingaani iyo degmada la deriska ah ee Xamar-weyne oo ka mid ah degmooyinka ugu qadiimsan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku yaalla dhismeyaal duqoobay oo isku raran ah, kuwaasoo qaarkood la dhisay boqolaal sano ka hor, sanadihii la soo dhaafayna shilalka noocan ah marar badan ayey ku soo laalaabteen degmooyinkan.

Wixii ku soo kordha dib kala soco In Shaa Allah…