Muqdisho ( INO)-Siyaasiga Cabdraxmaan Cabdishukuur Warsame oo ka mid ah Musharrixiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynenimo ee dalka ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ay cadaadis iyo Caburin xoogan ku heyso Musharrixiinta.
Waxaana uu sheegay in Middaas ay wiiqeyso Hufnaanta sida uu hadalka u dhigay Musharrax Cabdiraxmaan Cabdishukuur Warsame.
Sidoo kale Musharraxan ayaa hoosta ka xariiqay in awooda Dowladda ay shaqsiyaad gaar ah adeegsanayaan taasina ay sahleyso ku tumashada Muwaadinka isagoo xusay in caqabado ay ka soo food saareen dhinaca Dowladda , xilli dalka ay ku sugan yihiin Musharrixiin fara ku tiris ah.
Dhinaca kale Musharrax Cabdiraxmaan Cabdishukuur ayaa waxa uu soo dhaweeyay hadal ka soo baxay Qaramada Midoobay ee ku aadanaa in cadaaladda la horgeyn doono shaqsiyaadkii ka dambeeyay dhibaateynta Idaacadda Shabelle.
Waxaa kale uu Musharraxu wax laga xumaado ku tilmaamay in Xubno ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ay fujiyaan Boorar qeyb ka ahaa Ololihiisa Doorashada.