Musharixiinta Aqalka Sare ee DFS ee Puntland oo maanta lagu dhowaaqayo

0
208

Garowe(INO)— Wararka ka imanaya maamulka Puntland ayaa sheegaya in goordhow oo maanta ah lagu dhowaaqi doono liiska musharixiinta Puntland u matali doonto aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa ka socda magaalada Garowe xarunta maamul goboleedka Puntland diyaargarowgii ugu dambeeyay ee ku dhowaaqista 22ka xubnood oo isku soo sharaxaysa in Puntland ay wakiil ugaga noqoto Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Puntland ayaa waxay heshay 11 xubnood oo aqalka sare u matali doono, laakiin liiska musharixiinta ee uu shaacinayo madaxweyne Gaas ayaa waxaa la horgeynayaa baarlamaanka Puntland.

Marka baarlamaanka la horgeeyo musharixiinta dooneysa aqalka sare ayaa waxaa laga sugayaa in baarlamaanka ay soo xulaan 11 xubnood oo lagu wareejinayo gudiga doorashooyinka dadban ee dalka.

Dadka la filayo in ay ka mid noqdaan liiskan ayaa waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole, Cali Xaaji Warsame oo ah musharax madaxweyne ahna wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland iyo Generaal Maxamed Saciid Xirsi Morgan oo dowladii Siyaad Barre xilal sarsare oo ciidamada xoogga dalka ka soo qabtay iyo xubno kale.

Aqalka sare ee baarlamaanka oo ka kooban 54 xubnood ayaa 11 kamid ah waxaa la siiyay maamulka Puntland. Soo gudbinta xubnaha aqalka sare ayaa dib u dhac uu ku yimid hase yeeshee waxaa guddiga doorashooyinka dadban ay ku dareen in muddo labo maalmood ah lagu soo xulo xubnahan.