Saadaasha iyo hadalhayn ugu balaaran ee magaalada caasimada ee Muqdisho ayaa ah cidda ku soo bixi karta doorashda Madaxweynaha Somalia oo la filaayo iney dhacdo dhawaan.
Kala jiidasho iyo is kooxeysi ayaa durbada bilowdey iyadoo musharaxiinta u tartameysa ay kulamo gooni gooni la yeelanayaan xilhdibaanada cusub ee aan weli magacyadooda soo shaac bixin.
Afarta Musharax ee safka hore uga jirta ama la filan karo iney ku soo baxaan oo ay ku guuleystaan xilka madaxtinada Soomaaliya ayaa kala ah:
1. Madaxwenaha Shariif Sheikh
2. Abdullahi Ahmed Abdo
3. Abdiraxamaan Baadiyo
4. Prof Abdiweli Ali Gaas.
Saadaasha iyo magac haynta afartaas xildhibaan ayaa saameeyey kulamada Muqdisho lagu gorfeynayo waxaana la arkayaa in olahaas ayaa ka qeyb yihiin ganacsato, aqoonyahano iyo weliba siyaasiin doonaaya in musharaxooda yeesho lebinta sare.
La arki doono afartaas musharax iyo sidey u kala haraan. Inkastoo xilhdibaanada cusub oo beelaha qaar ay yihiin xildhibaano leh aqoon sare isla markaasna aan laaluush iyo wax la mid ah lagu kasban karin ayaa tani waxay suurtogal ka dhigeysaa in musharaxa leh karti aqoon iyo waxqabad sida prof Abdow iyo Dr. Baadiyo siiso fursad ay kaga guuleysan karaan Madaxweyne sharif iyo Raiisul Wasaarihiisa Abdiweli.
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho