Iyadoo la dhowraayo in Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Dowladiisa ayaa hadda waxaa jira musharaxiin safka hore uga jira iney jagadaasi qabtaan, isla markaasna ah musharaxiinta ugu dhow madaxweynaha ee kulamada joogtada uu la qaato, lana filan karo in midkood noqdo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ee yeelan doonto.
Mudanayaashaas ayaa waxaa safka hore uga jira
1. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
2. Prof Axmed Ismaaciil Samatar
3. Dr. Ali Khaliif Galeyr.
4. Dr. Xuseen Khaliif
5 Dr. Abdiweli Maxamed Cali Gaas
6. Ismaaciil Maxuud Hurre “Buubaa”
Musharaxiintaas ayaa dhamaantood u muuqda kuwa ay Somalida aad u yaqaanaan oo xilal badan ka soo qabtey dalka marka laga reebo Prof Axmed Ismail Samatar oo barre jaamacadeed ka ahaa dalka Mareykanka, iyo Dr. Xuseen Khaliif oo ahaa dhaqaale yahan ka soo shaqeeyey Bankiga Horumarinta Islaamka (Islamic Development Bank) ee magaalada Jeddah, Boqortooyada Sacuudiga Caraabiya.
Saadaasha dadka iyo siyaasiyiinta ku dhow dhow xafiiska Madaxweynaha ayaa noo xaqiijiyey in mudane Farmaajo la filan karo in laga soo dhex xusho musharaxiintaas kor ku tilmaaman.
Madaxweynaha ayaa haysta muddo ka yar 2 isbuuc iney ku soo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha dowladiisa, laakiin wararka lagu kalsoon yahay ayaa sheegaaya in madaxweynuhu soo dhameystirey la tashiyadii xubnaha barlamaanka, musharaxiintii madaxweynaha, oday dhaqameedyadii beelaha degan Muqdisho oo si gaar ah ula tashtey, iyo siyaasiyiin kale oo qurbo joog ah. Waxaana la filayaa in saacadaha nagu soo aadan la filaayo inuu madaxweynaha isugu yeero saxaafada si uu ugu dhawaaqo shaqsiga uu maanka ku haayey in muddo ah si uu u noqdo Ra’iisul Wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya.
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho.