Musharaxiinta Madaxweyne Ee Beesha Majeerteen Oo Dheelaya Siyaasada Cusub

0
207

Garowe(INO)— Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiiid Cali Sharma’arke, Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, C/raxmaan Faroole iyo C/risaaq Cusmaan Jurille ayaa saaka ku kulmay magaalada Garowe, iyadoo kulankooda ahaa mid albaabada u xirnaa.

Kulanka oo ahaa mid quraac ah oo ay mas’uuliyiintan kaga hadleen istiraatiijiyada doorashooyinka iyo sidii qorshe mideysan ay ugu wajihi lahaayeen, waxaana kulanka uu qaatay qaatay muddo lix saacadood.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankan lagu heshiisiiyay C/raxmaan Faroole iyo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo labaduba ah musharax, waxaana muddooyinkii u dambeeya Faroole uu aad u dhaliilsanaa siyaasada Cumar C/rashiid.

Cumar C/rashiid iyo Faroole ayaa la sheegayaa inuu dhex maray gor-gortan siyaasadeed, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in Faroole lagu qanciyay inuu tanaasulo.

Warar aan rasmi aheyn ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu u jeediyay Faroole inuu ka tanaasulo Musharaxnimada, si uu u taageero Cumar C/rashiid.

Faroole ayaa la rumeysan yahay in xubno taageersan uu ku leeyahay Musharaxiinta lagu doortay Garowe, sidaas darteed looga dalbanayo inuu ka tanaasulo, si taageeradaas uu u helo Cumar C/rashiid.

Siyaasiga C/risaaq Jurile ayaa la sheegay inuu soo jeediyay qorshe ku aadan sidii Puntland hal musharax ula tagi laheyd doorashada Madaxweynaha, isla markaana Musharaxaas la isugu geeyo taageerada ugu badan.

Kulamo kale ayaa lagu balamay in la isugu yimaado, si loo dhameystiro waxyaabaha harsan oo ay labada dhinac doonayaan inay kaga soo fikiraan, gaar ahaan Faroole ayaa codsaday in waqti la siiyo.

Cumar C/rashiid ayaa wada olole ballaaran uu ku doonayo in taageerada xubnaha ka imaanaya Puntland uu helo, waxaana muddooyinkii u dambeeyay uu waday olole aad u xoogan, waxaa la tirinayaa inuu yahay Musharaxa ugu olole ballaaran, marka la eego safaradii uu isaga daba noqonayay dalalka deriska iyo xarumaha maamul goboleedyada qaar.

Idale News Online, Garowe