Musharaxiinta Koofur Galbeed Gole ay ku mideysan yihiin oo ku baaqay in doorashada dib loo dhigo

0
334

Gole la magac baxay Golaha Is bedel doonka Koofur Galbeed oo ay ku mideysan yihiin Musharaxiin iyo siyaasiyiin ayaa baaq ka soo saaray Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, iyagoo soo dhoweeyay is casilaadii iyo tanaasulkii uu sameeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Golahan oo uu ka dhex muuqdo Musharaxiin uu ka mid yahay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa sheegay inay si buuxda u aqbalayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna inuu sii haayo xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Sidoo kale waxaa ay ku baaqeen in la soo dhameystiro xubnihii iska casilay Guddiga doorashada, xubno cusubna la horgeeyo baarlamaanka, si loo ansixiyo.

Waxaa kaloo Golahan ay soo jeediyeen in dib loo dhigo doorashada, iyadoo la qiimeynayo maalmaha shaqada ee Guddiga doorashada ee hakadka ku jiray iyo duruufaha jiro, isla markaana ay muhiim tahay in la abuuro jawi wanaagsan oo ay doorasho ku dhici karto.

Golahan ayaa tilmaamay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka dowladda Soomaaliya uu doorkeeda yahay korjoogteyn kaliya.

Waxaa ay kaloo Baaq u direen Beesha Caalamka, inay ku garab galaan sidii doorasho daah furnaan iyo dimoqraadi ah u dhici laheyd.